boga jacaylkaThis is a featured page

Jacaylka labada isqaba " waa qiso runa " Q1aadWaxaa sodiyariyay xasan barre July 29, 2006

Sida uu ninkasta oo dhalinyaro’ahi ugu fikiro inuu dhisto qoys iyo reer uu ku dago, ayuu ugu fikiri jiray ninka ay qisadani kusocoto, sida ay caadada wadamo badani ay tahayba wuxuu latashaday reerkoodii oo uu ka dalbaday inay usoo raadiyaan gabadh wanaagsan oo ay isku haboon yihiin, kadib markii ay usoo heleen gabadhii waxay u aqal galeen wiilkii iyo gabdhii sida caadiga’ah ee la isu aroosto iyagooyna jacayl hore iyo wax yaabaha ay maanta dhalinyaro badani isku mashquuliyaan ayna soo dhexmarin.
Maalmo yari markay kasoo wareegtay guurkoodii waxay dareemeen reerkii wiilku xiisaha iyo jacaylka uu u qabo xaaskiisa ee uuna rabin inuu daqiiqadna ha ahaatee inuu agteeda ka dheeraado iyo amaanta iyo hadal haynta uu iyada markasta ka sheekaynayo, sidoo kalena reerkii gabadhu iyadana intaas oo kale ayey aad uga dareemi jireen sida ay ninkeeda u jeclaatay mudo yar gudaheed, dabcan reerku way ogyihiin jacaylka labada isqaba laakiin mida aadka uga yaabisay ayaa ahayd labadan qof iyagooyna jacayl hore soo dhexmarin iyo sida xadka’ah ee ay mudada yar isoogu jeclaadeen !!!
Markii ay kasoo wareegtay mudo 3 sano’ahi guurkoodii waxay la kulmeen mashaakil kaga imanayey xaga reerkooda iyagoo intaa lagu haysto maad wax dhashaan sababtoo’ah mudo badan ayaa kasoo wareegtay guurkiinii walina waxba maydan dhalin, markii ay ka badatay sheekadaasi ee ay noqotay wax maalin kasta soo hortaagan oo aan dhamaanayn, waxay gabadhii kula talisay ninkeedii jeclaa ee ay iyaduna aadka ugu roonayd inay u tagaan dhakhtar soo baadha si ay isooga aamusiiyaan reerahooda iyo mashaakilkan badan ee dhinacooda ka imanaya, waxayse dhibtii noqotay jawaabtii ay dhakhtarka kaheleen ee ayna meesha ka filayn marna ! markii loo sheegay in xaasku ay tahay madhalays oo ciladu dhinaceeda tahay.
Mudo kadib markii ay ogaadeen ninka reerkoodii waxay bilaabeen inay ku keenaan tashuush iyo mashaakil badan iyagoo wiilkooda markasta ku dhiiri galinaya inuu xaaskale raadsado ilaa ay hooyadii maalim maalamaha kamida ay ka dalabtay wiilkeedii inuu iska furo naagtan aan dhalayn oo uu raadsado midkale ama intuu iyada daysto tukalena guursado si uu uhelo ubad. Mudo markuu isooga adkaysanayey wiilkii hadalada qarsoon iyo kuwa tooska’ah ee reerkooda kasoo yeedhaya, wuxuu sameeyey maalin maalmaha kamida ayuu reerkiisii isoogu yeedhay si uu ugu cadeeyo qiimaha iyo muhiimada ay gabadhani kuleedahay agtiisa wuxuuna yidhi ( xaaskaygu waa madhalays ? madhalaysnimaduse maaha inaan caruur la dhalin un, takaliya ee aan anigu ogahay waxay tahay dhalmadu inay tahay dareen runa iyo jacayl nadiifa oo daahira oo ay isu qabaan labada is jeceli, aniga dhinacaygana mahad Alle xaaskaygu waxay ii dhashaa maalinkasta 100 jeer ka badan oo jacayl nooc uu yahayba waan ka helaa maalinkasta raalina waanka’ahay iyaduna way iga tahay oo baahi aan maanta caruur u qabaa majiro marba hadii aan iyad haysto, mana rabo inaad markale igusoo cel celisaan arintaa ee aniga iyo xaaskayaga noo daaya sidaas ayaanu isku jecelnahay kuna rabaa oo boqolaal caruura oo ay i dhasho waxaan ka jeclahay jacaylkeeda ay ii qabto iyo jacaylka aan anigu u qabo’e ) gabadhiina waxay aad usii ogaatay sida xadka’ah ee uu ninkeedu u jecel yahay ee uu diyaarka ugu yahay inuu wax kasta ka tanaasulo si’uuna iyada useegin.
Markii ay kasoo wareegtay 7 sano guurkoodii iyagoo ku nool jacayl iyo wanaag iyo kalgacal kolba usii siyaadaya labadooda, ayaa waxaa kusoo booday gabdhii cudur dag daga oo lama filaana.
Waxaa kusoo booday gabdhii cudur daran oo ku kalifay inay u tagaan dhakhtarada si ay ubaadhaan xaaladeeda, mudo markay ku war wareegayeen dhakhaatiirta ee dhakhtarba midkale ugu sii wareejinayey waxay ogaadeen in gabdhu ay qabto cudur aad u daran oo dadka qaadaa ay aad uyar yihiin. Arinta ninkeeda aadka ugu sii dhalisay cabsidu waxay ahayd markii ay dhakhtaradu u sheegeen in xaaladeedu ay aad usii xumaan doonto sanadba sanadka kasii danbeeya waxayna u sheegeen in ay ufiicantahay inay dhakhtarka ku jirto inta Alle faraj uga keenayo.
Muuna ka ogolaan ninkeedii inay taalo dhakhtarka mudadaas dheer xaaskiisii uu aadka u jeclaa, wuxuu ugu balan qaaday dhakhaatiirtii inuu isagu gurigiisa uga samaynayo qol uu u dhigo qalabkasta iyo wax kasta oo ay ka helaysay dhakhtarka nooc ay tahayba, si ay xaaskiisu u dareento mar walba inay la joogto jacayalkeedii dhabta’ahaa isna mar walba u ag joogo iyada oo uu uxanaaneeyo sida uu rabo. Lacagtii uu ku bixiyey qolkaas iyo qalabkiisu waxay gaadhay 260.000 riyaalka sucuudiga oo isoogu jirta qalab dawo iyo wixii ay ka heli lahay dhakhtarka oo dhan, lacagta badankeeduna waxa uu u badnaa dayn uu soo qaatay iyo lacago uu bangiga kasoo amaahday wuxuuna u qoray xaaskiisa gabadh kalkaaliso’ah oo lasii joogta inta uu isagu shaqada ku maqan yahay, markuu ka adkaysan waayey inuu xaaskiisa bugta ka maqnaado saacadaha uu shaqada ku maqan yahay, wuxuu ka dalbaday maamulaha shaqadiisa inuu siiyo fasax dheer oo aan xadidnayn xaaskiisa dartii, wuuse ka diiday maamulihiisii sababtoo’ah wuxuu ogaa lacagaha badan ee uu usoo amaahday daawaynta xaaskiisa dartii oo uu ubaahan yahay lacag iyo dakhli inuu yeesho.

Ninkii wuxuu u adkaysto ka maqnaanshaha uu xaaskiisa ka maqan yahay wakhtiga shaqadiisa, ayaa wuxuu bilaabay inuu shaqadiisii maalinba maalinta ka danbaysa uu saacad kasii jaro isagoo isla markaaba guriga usooo ordaya si uu u ag joogo oo ay indhihiisu u hayaan xaalada ay xaaskiisu marayso maalinba maalinta ka danbaysa isagoo qalbigiisu uu aad ugu ooyayo inuu xaaskiisa uu ilaa xadkaa jecelayahay ee uuna ka adkaysan karay inuu saacado ka maqnaado uu waayi doono. Markuu guriga soo galo wuxuu markiiba ku dhaqaaqi jiray suu xaaskiisa cuntada afka ugu gurilahaa markuu cuntada siiyo kadibna wuxuu isku dayi jiray sidii uu u ilowsiinlahaa xanuunka ayku jirto isagoo laabta ku haya xaaskiisa ayuu uga sheekayn jiray maalmihii wanaagsanaa ee soo dhexmaray iyo jacaylkooda aan dhamaanayn iyo suu ku biliwday, markastay maalini sii durugtaba waxaa aad usii xumaanayey xaaladeeda caafimaad oo aad ayey usii xanuunsanaysay iyadoo Qadarka Alle ku kalsoon iyo suu Alle u gartay ku sabraysa.
Maalin maalmaha ka mida ayey xaaskii u dhiibtay gabadhii kalkaalisada ahayd Sanduuqyar oo ay lahayd waxayna ka dalabtay inay hayso oo ayna cidna u dhiibin aan ka ahayn ninkeeda hadii ay dhimatoMaalin Isniina Salaadii Cishaa’i kadib waxaa da’ayey roob watay dabayl yar oo naxariisa roobkaasoo daaqadaha qolka ay ku jireen kolba soo riixayey. Zawjkii wuxuu taagnaa daaqada agteeda isagoo xaaskiisii uu jeclaa ku eegaya indho jacayl iyo naxariisi buuxisay, wuxuu xaaskiisii uqaadayey gabayo jacayl oo uu ku kool koolinayey xaaskiisa . Iyadooy xaaladu saas tahay ayey gabadhii ku eegtay ninkeedii indho qiiraysan oo ay ku nabadgelyeynayso iyadoo u qoslaysa xabiibkeeda, markuu arkay inay timid saacadii kala tagu ayuu ilmeeyey isagoo ku eegaya indho qiiro iyo naxariisi ku jirto, daqiiqado kadib iyagoo xaaladaa ku jira ayey naftii ka baxday gabadhii iyadoo ka xun inay ka tagtay ninkeedii jeclaaday jacaylkaas aan la soo koobi karin iyana ay jeclaatay, ninkeediina naxdintii uu naxay inuu waayey xaaskiisii ayuu la suuxay xaaladiisuna waxay gaadhay meel aad u daran oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Laba cisho kadib markii la aasay ee ay xaaladiisii soo yara wanaagsanaatay isagoo aad moodo mayd meel yaala, waxaa u timid gabdhii kalkaalasida u ahayd xaaskiisa iyadoo u wada Sanduuqii yaraa ee ay ugu dhiibtay xaaskiisu, hadaba muxuu ka helay Sanduuqaas.
Dhalo cadar oo madhan waxayna ahayd hadiyadii ugu horaysay ee uu ukeenay markay is guursadeen iyo halsawir oo ay wada galeen habeenkii arooskooda waxayna ugu qortay kalmad ay aad u qurxisay “ Alle dartii ayaan kuu jeclahay ” jacalaylna ka ugu qiimo badan ee daa’imaa waa ka Alle dartii la isu jeclaado, waraaqdii ay u qortay oo koobanina waatan waxaana ku jira hadalo kale oo ay reerkeeda u qortay sidaa darteed magacyada waan ka saaray si loo dhawro waxyaabaha khaaska’ah.
Waraaqdii:
Zawjkaygii qaaliga ahaayoow. Haka xumaan kala taga Wallaahi Alle ayaan ku dhaartee hadii cimri kale la ii qori lahaa cid aan adiga ahayn lama qaateene, laakiin adna waxbaad dooni ana waxbaan dooni Illaahayna wuxuu doono ayuu yeeli.
Walaalkay hebeloow. Waxaan rajayn jiray inaan arko adoo aroosa intaanan dhiman.
Walaashay heblaayooy. Haku adkaan caruurtaada oo ha dilin waa kuwuu Alle jeclaaye nimcadooda waxaa garan kara ku aan helin.
Eedaday heblaayooy ( ninkeeda hooyadii ) waadku sax sanayd markaad wiilkaaga ka dalabtay inuu guursado markale si’uu wax udhalo waayo wuu istaahilaa inuu helo caruur magaciisa qaada.
Kalmadayda danbe adaa iskaleh ninkaygii aan jeclaayoow, guurso markaan dhinto kadib waayo wax cudur daari kuuma hadhin, waxaanan kaa dalbanayaa inaad u bixiso magacayga gabadha ugu horaysa ee aad dhasho, ogowna inaan ka masayri ( hinaasi ) doono xaas kaaga cusub xataa anoo dhintayna ha ahaatee.
Taasi waxay ahayd qisadii koobnayd ee cadaynaysay heerka uu gaadhi karo jacaylka nadiifta’ah ee dhexmara laba is qabta hadaba ra’yigaaga ka dhiibo qaybta aftida goorma ayuu bilaabmaa jacaylka 2da isaqabaa


madar
madar
Latest page update: made by madar , Feb 5 2007, 9:15 PM EST (about this update About This Update madar Edited by madar


view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.